HESHIISKA MUSE IYO ILKAJIIR

Sep 27, 2016, 11:24 AM

Heshiis beelaysan oo Muse Bixi abaabulay ayuu suugaanlayda beeshiisa oo uu abwan Ilkajiir hormud u yahay ayuu ku wargeliyay inay la halgaman, oo taageeraan dagaalka qaboow ee uu kula jiro beesha Habarjeclo. Abwaan Siciid iLkajiir wuu ka baxay Kulmiye intii habarjeclo hogaankeeda haysay, wuxu beesha Habarjeclo oo dhan caay iyo nasab weerar meel kasta uga riday, Kulmiyaha Silaanyo wuxu ku tilmaamay "Dayo xoolo loo dirtay" - "Qoom dijaal macalin u yahay oo sixir, fidno iwm", wax kastoo tuugnimo ah, dhaqan bi'is ah ayuu habarjeclo ku tilmaamay. Cajiib haddana markii uu #Muse_Biiixi ku guulaystay gudoomiyenimada iyo u tartan madaxweyne ayuu dib ugu soo biiray, miyaanay qabyaalad cad ahayn..??..Cajiib..!! Boqol erey oo abwaanka ka madnuuc ah oo reerka dhan ee habarjeclo yar iyo weeyn, wadaaad iyo weli, gabadh iyo hooooyo lagu caayayo baa ku jira gabaygan, xadkuu dhaafiyey, waa in waxgaradka beesha Habarjeclo ay abwaankan waashay ee Siciid Ilkajiir iyo Muse Bixi ay soo golo fadhiisiyaan oo xaal Somali oo dhami ogaaato ka qaadaan, ilaayn taariikh xuun buu gabaygani u sameyaye..!!