Waraysiga BBC e Muse Bixi

Oct 16, 2016, 09:22 PM

Muse Bixi oo Ex - Wasiir Xirsi iyo Maxamed Bixi ku tilmaamay kuwo aan saaameeyn, siyaasadan ku soo biiray xilicii xukuumada Siilanyo. Waxa kale oo London kala kulantay ceebtii ugu weynayd. lahaynBishan October 14 keedii, waxa degmada Southall ee Galbeedka London lagu qabtay shir muddo aad u dheer la soo abaabulaayay, laakiin se six un u fashilmay. Sirkan gacan-ku-rimiska ah waxa tacab badani ka galay Wasiir Cukuse iyo Faysal Cali-waraabe o doonaayay in ay indhaha Muuse Biixi wax tusan. Laba bilood ka hor intii aanu waftigu Hargeysa ka soo bixin, ayaa Wasiirka iyo Gudoomiye Faysal ay telefoon ku dawikhiyeen Reer-London intooda yare e ay u arkaan in ay weli iyaka dhegaystaan. Saddex nin oo lagu kala magacaabo Maxamuud Caraale, Xuseen Ibraahin Askar iyo Abokor Maxamed-shukri ayaa habeeno badan u soo jeeday sidii wiilka abtiga loo yahay, waa sida ay iyaku u dhigaane, in wacdaro loo muujiyo, sacabka na loo tumo oo xoog loogu soo baxo.

Qorshaha abaabulayaashu kaas baa uu ahaa, maxaa se dhacay? Ciidagalaha UK jooga waxa loogu sheegay shirkan in xukuumadda lagula xisaabtamaayo, wixii tabashooyin ah ee beeshu qabto, oo run ahaan aad u tiro badan na, si kal furan loogu soo qaadaayo. Sidaas baa dadka lagu maaweelinaayay, markii se la isu yimid, kkooxdii abaabulayaasha ahaa ayaa waji kale la soo baxay. Dad aanay tiradoodu sinaba u gaadhinn sodomeeyo qof ayaa shirka yimid, qaar kale na, intii anu kulanku ba bilaabmin ayaa ay dib uga noqdeen. Sababta ay tani ku dhacday waxa ay ahayd, abaabulayaasha shirka ee dhagaha fudud ayaa Cukuse uu u sheegay in ay aanay ogolaanin in wax su’aalo ah waftiga la waydiiyo, waxaana kooxdii ku adkaatay sidii taas loo meel marin lahaa. Saddexdii nin, oo laba ka mid ah (Caraale iyo Xuseen) ay ahaayeen niman bulshada sumcad ku dhex leh, ayaa dadkii hal-hal ugu tagay, una sheegay in aan loo baahnayn in la hadlo. Waxa ay yidhaahdeen – inaku gob baa aynu nahay, mana u baahnin in aynu cabano. Halkaas ayaa dad badani ay kaga boodeen shirkii, si cad na uga dareereen.

Wasiir Cukuse, oo Ciidagalaha iyo xukuumadda run ahaan aad u kala dilay, ayaa aan doonaynin in indhaha Muuse lagu hor fashiliyo, sidaas baa uuna su’aalaha u diiday. Wasiir Cukuse waxa uu ku dhaqmaa ficillo isaga goni ku ah, oo nin kaliya oo xukuumadda ka mid ahi aanu ku kicin. Cukuse waxa uu qayb ka ahaa shakhsiyaadkii Ganacsade Cumar Caydiid ku haystay tiyaatarka ee la shaqeeyay Cali-mareexaan, imika na, Sheekh Maxamed Cali Geedi ayaa uu ku haystaa dhul ay xukuumaddii Riyaale siisay oo uu ka disaayo Jaamacad. Wasiir Cukkuse waxa uu dagaal xun kula jiraa Gudiga guud ee beesha ee loo yaqaanno Sahan-barwaaqo, Gudiga Wadada Cad, iyo Hogaanka sare ee ururka caanka ah ee Gaaroodi Development oo uu u arko in ay u janjeedhaan dhinaca Waddani. Waxa intaas dheer, in uu shaqaalaha dawladda ee rayidka, kuwooda uu u arko in ay fikrad ahaan Waddani taageeraan uu halkooda ugu tago, oo shaqada ka caydhiyo, waxaana u dambeeyay Garyaqaan Siciid Geeljire, oo ka tirsanaa maamulka sarre ee Degmada Hargeysa. Dhaqmada noocaas ah, iyo kuwo badan oo la mid ah, ayaa ka dhigay Cukuse qof aan cidina jeclayn, Kulmiye iyo beesha na aad u kala fogeeyay, ma se la oga sababta uu sidaas u samaynaayo. Dadka qaar ayaa aaminsan in uu Waddani si dadban ugu shaqaynaayo, laakiin runtu ma aha sidaas ee talo uun baa sidaas ka noqotay. Waddani in uu la dagaalamo oo wax yeelo ayaa ay isaga iyo Faysal Cali-waraabe ba isku dayayaan, laakiin wax wayn baa ay u tarayaan iyaka oo aan dhadaynin. Dadka badan ee Waddani dhawaan galay, iyo kuwo badan o hadda u sii xidhxidhani, waxa ay ka xanaaqeen dhaqanka guulwadaynta ah ee sidaas u liitta.

U soo noqo shirkii, sida goobjoogayashu u sheegeen Qarannews, Wasiir Cukuse waxa uu sheegay in beeshu ay saami wacan ku leedahay xukuumadda maanta, waxaana uu tilmaamay in ciidamadi darajooyinka la siiyay ay ku jireen saddex nin oo jananno laga dhigay. Waxa u ilaaway in saddexdii na qaarkood buulka laga dhigay oo aanay wax xil ah haynin, darajadii lagu tolay na ay cidla iska taalo. Shirkii oo dad ka hooseeya sodomeeyo ay ka qayb galeen, Cukuse na wixii afkisa soo marayba uu ku hadlay, oo ay ka mid tahay in uu yidhi – Ciidagale waxa ay biyaha uga hadlayaan waa sababta oo ah wiil Reer Samatar ah ayaa maareeye ka ah, tabasho biyo na ma jirto ee ninkaas baa u muuqda. Sidaas ayaa uu u dhigay baahidii dhabta ahayd ee ay qabeen dadka uu magacooda sheeganaayo. Sawirro Muusoow abti soo dhawaw ah, iyo sidii lagu balamay, sacab aan wax su’aal ahi wehelinin ayaana uu sirkii ku dhamaaday. Madaxweynaha oo uu Cukuse sheegay in uu shirkaas imanaayo na ma imanin, sababta aanu u imanin na, cidina ma ka hadlin. Isku soo wada duub, Cukuse, Faysal Cali-waraabe, iyo dadkii ay ku shaqaysan jireen calankoodii waa dhacay, Kulmiye na ka dambayn maayo, astaantii calan jabka, oo ay guulwadaynta xad-dhaafka ahi u horayso na waa ay muuqdaan. Ciidagaluhu Guulwadaynta ma ku fiicnaan jirin, laakiin nimankani taariikh cusub baa ay dhigeen.